Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land waxaa maanta kasoo hor muuqan doona Suxufi/Samafale C/maalik Muuse Coldoon oo wali ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa.
Wariyaha ayaa lagu xiray garoonka Diyaaradaha Magaalada hargeysa kadib markii uu ka amba-baxay Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya xili uu la kulmay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).
Mas’uuliyiinta Maamulka Somali-land oo ka hadlay xariga wariyaha ayaa ku eedeyay in uu waday kicin dadweyne islamarkaana maxkamadda maanta lasoo taagi doono ay go’aan ka gaari doonto waxa uu noqonayo xukunkiisa.
Lama oga in Maxkamada la soo saari doono wariyaha in ay noqon doonto mid furan oo la dhageysan karo eedeymaha loo heysto Coldoon iyo in ay noqon doonto mid xiran oo aan loo ogoleyn in laga qeybgalo.
Lama ogo sidoo kale In wariyaha uu haysto qareen ama Loyer u dooda inta Maxkamadeyntiisa ay socoto.

