Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Kenya Faarax Macallin oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka ayaa ka hadlay Magacaabistii Madaxweyne Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya.
Faarax Macallin waxa uu sheegay in Xasan Cali Kheyre oo loo magacaabay Raisulwasaaraha Soomaliya aysan jirin Cid kaga habooneed, islamarkaana Madaxweyne farmaajo uu qaatay go’aan aad u wanaagsan dhanka magacaabista.
“Xasan Cali Kheyre waxaan garanayey muddo 11 sano ah, mana ka fakari karo qof shaqadan kaga habboon oo loo dhiibi lahaa. Somalia ugu dambeyn si sax ah ayey u haleeshay” ayuu yir Faarax Macallin Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Kenya.
Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa haatan laga sugayaa in uu hortago Baarlamanka Soomaliya si uu codka kalsoonida kaga heli, intaas kadib waxa uu soo dhisi doonaa Golle Wasiiro.

