Kenya oo Maxkamadda Soo Taagtay Nin Lagu Eedeeyay in Al-shabaab u Qaabilsanaa Kireynta Guryaha

0

Maxkamadd ku taala magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa dambiyo kusoo oogtay muwaadin Kenya ah oo ay sheegtay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa kireynta guryaha iyo aruurinta Lacagaha korontada.

Mr Edward Oyoo Keya, oo ah muwaadin kenyaan ah ayaa beeniyay eedeemaha loosoo jeediyay ee ku aadan in uu maamulayay Lacagaha Xarakada Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ee magaalada Nairobi Rose Tum ayaa yiri“Mr Keya waxa uu lacago kasoo aruurinayay guri ay laheyd hooyadiisa Keya Stella Awuor, kadib waxa uu u dirayay walaalihiisa Eric Achayo Ogada alias iyo Ibra Salim Erico oo Al-shabaab ka Tirsan, xiriirka waa fududeynaysay Caasho Cabdal Xuseen oo Kismaayo ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here