Federica Mogherini oo ah wakiil sare oo katirsan midowga yurub kaa oo lahadlay madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmajo ka hor caleema saarka maanta la filayo in uu ka dhaco magaalada Mogadishu ayaa sheegay in uu u rejeynayo dowlada cusub gaaritaanka guul ku aadan nabada iyo waliba sharciga.
Waxaa sidoo kale wakiilkan uu sheegay in midowga yurub soomaaliya ay ka taageeri doonto soo nooleynta kaaba yaasha dhaqalaalaha iyo la dagaalanka heerarka kala duwan ee musuq maasuqa iyo waliba dib dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale ay sheegtay in ay mushaar gaaraya 6,800 $ kaga caawineyso dowlada soomaaliya mushaaraadka ciidamada police-ka waxaana sidoo kale warkan ka soo baxay midowga yurub lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Farmajo in uu ka codsaday midowga yurub in ay wax ka qabtaan garabna istaagaan xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.
Ururka midowga yurub ayaa sheegay in iminka ay wadaan wax ugu qabashada lacago dhan 100 Million oo Euro si xaaladaha bini’aadanimo ee gaajada wax loogu qabto.
Mr. Mogherini ayaa ku raacay madaxweynaha Soomaaliya in la sii joogteeyo wadashaqeyn dhaw oo uwada dhaxeysa ururka midowga yurub iyo iyo dowlada uu hogaamiyo madaxweynaha Soomaaliya- sida war-saxaafadeed-ka ururkan lagu xusay.

