Madaxweyne Farmaajo oo Safarkiisa Ugu Horeeyay Dalka Ugu Ambabaxaya

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo maanta lagu caleema-saarayo magaalada muqdisho ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah uu safarkiisa ugu horeeyo ku tago dalka Sacuudi Arabia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in socdaalkiisa ugu horeeya ee uu ku tagi doono dalka Sacuudiga ee qaarada Afrika uu noqon doono Cumreysi iyo Duco.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa sheegaya in safarkaasi uu ka shaqeeyay Daahir Maxamuud Geele, safiirka Soomaaliya ee boqortooyadda Sacuudiga, Waxaana dhacaya marka uu tago dalkaasi, kulamo uu la qaadanayo saraakiisha dowladda sacuudiga iyo boqorka dalkaasi oo balanqaad u sameeyay dowladda cusub.

Dowladda Sacuudiga oo daneyneysa arimaha Soomaaliya ayaa masuuliyiinta dalkaasi waxay xiriir dhanka qadka telefoonka ay lasoo sameeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here