Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ee Xukumada Waqtigeedu Dhamaaday iyo Mdaxweynaha Galmudug ayaa lagu Eedeeyey inay Boobeen Kumanaan Doollar oo lagu Talo galay Dadka ay Abaartu ku heysato Bariga Gobalka Galgaduud oo hada Xaalada adag ay ka jirto.
Gudoomiyaha Dagmada Ceel-Buur ee Bariga Galgaduud Cabdi Xasan Biya Quute oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Madaxweyne C/kariin Xuseen Guulled iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Waqtigeedu Dhamaaday C/raxmaan Odawaa ay Lunsadeen 150-Kun oo Doollar iyo Raashin Dowlada Soomaaliya ay ugu Talo gasha Degamooyinka iyo Deegaanada Bariga Galgaduud.

