Maamul Gobaleedka Jubaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose Tababar uga Furay Boqolaal Askari oo Boolis ah oo loogu Talo galay inay ka Howlgalaan inka Badan 30-Saldhig oo ku yaala Dagmooyinka iyo Deegaano ka tirsan Gobalada Jubooyinka oo qaarkood hada ay Maamulaan Al-Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowlada Gobaleedka Jubaland Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Tababarkaan Magaalada Kismaayo lagu Furay Ciidankaan uu yahay mid ka mid ah Guulaha Dhanka Ciidamada ah Jubaland ay ku Tilaabsatay waxa uuna Xusay in Ciidankaan oo gaaraya 200-Askari ay Dhawaan ka Howlgali doona Deegaanada Gobalka Jubada Dhexe .
Dhageyso:- Afhayeen Ciidamada Booliska Dowlada Gobaleedka Jubaland.

