Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad uu kula wareegay Taliska Madaxtooyada Soomaliya, ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeyn doonto sidii Ciidamada Midowga Afrika Amisom dalka loogu saari lahaa islamarkaana loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga mahadceliyay wadamada dariska ee Ciidamadooda usoo diray Soomaliya si ay dowladda Soomaliya ugu caawiyaan dib usoo celinta nabada iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.
”Beesha Caalamka si fiican ayey ula soo shaqeeyeen dowladii hore ee uu hogaaminayay Xasan Shiikh Maxamuud , AMISOM waa isla shaqeyn doonaa, markii aan ciidamadeena tayeysano dhulkooda ayey ku laaban doonaa iyagoo faraxsan oo Soomaliya ka gacan siiyay dib usoo celinta Nabadda ” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Soomaliya waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka socda wadamada kala ah Uganda, Burundi,Ethopia, Kenya iyo Jabuuti kuwaasi oo dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab dhawaan waxaa la qorsheeyay in dalka laga saaro sanadka 2018-ka.

