Akhriso:-Wasiir Horey u Shaaciyay in uu Iscasilay oo Maanta Xilka Laga Qaaday

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa xilkii ka qaaday Sheekh Aaden ayaa Xilka Looga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre isla markaana ah Mudane Ka Tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan oo maanta shir Gudoominayay Kulankii Golaha wasiirada maamulkaas ayaa laga aqriyay warqad kasoo baxday xafiiskiisa oo xilka loogu qaadayo Wasiirkii Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre.

Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay Wasiirkii Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre in uu ku guuldareystay waxqabashada howlaha wasaaradda islamarkaana uu ku mashquulay arrimo kale oo danihiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here