Akhriso:-Farmaajo oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Iyo Agaasimaha Hab Maamuuska

0

Madaxweynaha Cusub ee Somaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa magacaabay Xilalkii ugu horeeyay kadib markii uu maanta la wareegay Taliska Madaxtooyadda Villa Soomaliya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay agaasimaha Guud ee madaxtooyada Soomaliya oo loo magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ,

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada Villa oo loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire Siyaad oo horey u ahaa Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi, waxaa horay ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaarayaal hore, Siyaad waa nin madaale ah oo shaqo badan.

Xubnahaan maanta la magacaabay ayaa noqonaya xubnaha cusub ee Madaxtooyadda Villa Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here