Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ugu dambeyn ogalaaday in uu kasoo qeyb galo xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) kadib markii dhawaan ay soo baxeyn warar ku aadan in uusan ka qeyb gali doono.
Madaxweyne Kenyata ayaa Madaxtooyadda Kenya ku qaabilay wafdi ka socday xukuumadda Soomaliya kuwaasi oo gaarsiiyay madaxweynaha dhambaal ku aadanaa kasoo qeyb galka caleema-saarka madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Wafdigaan oo maanta oo arbaco ah la kulmay Uhura ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ahna kusimaha safiirka Cali Maxamed Sheekh Bagadi.
Kenyatta ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray sidaan “Waxaan la kulmay ergayga gaarka ah ee Soomaaliya iyo Cabdisalaan Cumar oo Wasiirka arrimaha dibadda, waxayna isoo gaarsiiyee farriin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed”.
22-ka bishaan February Magaalada muqdisho ayaa lagu qaban doonaa xafladda caleema-saarka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi farmaajo kaasi oo maanta la wareegay xilka Madaxweynaha.

