Muwaadiniin Badmaaxayaal Iraniyiin ah oo laheysta yaal u ahaa burcad badeeda Soomaalida ayaa xuriyadooda dib u helay sida uu ku dhawaaqay xildhibaan katirsan xukuumada Tehran kadib markii ay sameeyeen dadaalo lagu samata bixinayo sida uu sheegay.
Ali Yar Mohammadi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dalka Iran ayaa sheegay in 8 kamid ah badmaaxayal u dhashay dalkaasi in la’fasaxay kadib wadaxoojood dhaxdhaxaadin ah oo kaalin weyn ay ka qaadatay safaarada Senegal ay soomaaliya ku leedahay iyo waliba burcad badeeda Soomaalida.
XIdhibaankan oo la’hadlay Warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibadda ee Iran in ay xaqiijisay siideynta badmaaxayaashan isla markana iminka ay ku sugan yihiin safaarada Senegal ay ku leedahay magaalada Mogadishu.
sii deyntan muwaadiniintan Iraniyiinta ah ayaa imaaneysa iyadoo hadda laga joogo 6 bil oo sidan oo kale shaqaale markab laga lahaa dalka iran burcad badeeda soomaalida ay afduubteen iyadoo sidoo kale lasoo warinayo in 12 kale oo badmaaxayaal iiraniyiin ah in wali ay gacanta ugu jiraan kooxaha burcad badeedka soomaalida kuwaa oo dalbaday lacago madaxfurasho oo aad u badan.
Burcad badeeda Soomaalida ayey sheegtay dowlada Iran in ay halis ku yihiin biyaha gacanka cadmeed kuwaa oo weerara maraakiibta iyagoo sidoo kale afduub u geysta shaqaalaha si ay u helaan lacago madaxfurasho.

