Dowladii Xasan Shiikh oo Lagu Eedeeyay Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed Nuur Faarax Jimcaale oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya ayaa digniino u jeediyay Shirkaddo ajaanib oo si musuq-maasuq ugu maamulanaya Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, duulista Hawada Soomaliyeed.
Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Hindiya islamarkaana ay doonayso in la wareegto heshiiska Kenya lagu haysto ee Duulista Hawada Soomaliya, wuxuu dhaleeceen u jeediyay Hay’adihii loo ikmaday shaqadaan in aysan wax ka oranin musuq-maasuqa.
Dhanka kale Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed aaya ku eedeeyay madax ka Tirsanaa Dowladii waqtigeeda uu dhamaaday in ay fududeeyeen heshiiska Saldhiga Malatari ee Magaalada Barbera ee Soomali-land iyo dowladda Imaaraadka carabta ay wada galeen.

