Ciidamo Ka Socda Dalka Burundi oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray+Sawirro

0

Ciidamo cusub oo ka socda dalka Burundi gaar ahaan guutada 40-aad ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay badal ugu noqdaan guutada 34-aad oo Soomaliya ka howlgalay sanadkii aynu soo dhaafnay.

Guutadaan cusub ee 40-aad ee ciidamada Dalka Burundi ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kamid noqonaya Howlgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya kuwaasi oo dagaal kula jira dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ku sugan.

Major Leonidas Nsingirankabo, oo ah Taliyaha Guutada 40-aad ee ciidamada Dalka Burundi ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadaan ujeedkay usoo gareen dalka Soomaliya ay kasoo bixi doonaan islmarkaana ay Dowladda cusub ka caawin doonaan dhanaca Amniga.

“Askarteena waxa ay diyaar u yihiin howsha weyn ee hortaala si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo soomaliya ay ka dagi la’dahay, waxaana ku shaqeyn doonaan sida xeerarka caalamiga ah”, ayuu yiri Major Nsingirankabo Taliyaha Guutada 40-aad ee ciidamada Dalka Burundi.

Dowladda Burundi ayaa dhawaan ku hanjabtay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaliya, balse kulamo ay yeesheen ururka Midowga Afrika iyo Dowladda dalkaas ayaa lagu xaliyay cabashooyinkii xiligaas jiray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here