Dhageyso:-Hay’adaha Miina Baarista oo Lagu Eedeeyey inay Diideen inay Xal U Helaan Miinooyin Halkaa Ku Aasan.

0

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Bardaale ee gobolka Baay Aadan Caddoow Isxaaq oo la hadlay idaacadda Simba ayaa eedeyn kala dul dhacay hay’adaha QM u qaabilsan miino barista gaar ahan hay’adda Main action oo ku eedeeyey inay ka gaabisay wax ka qabashada miinooyin dhawr mar ku qarxay degmadaasi oo ay u dambeysay mid shalay waxyeeleysay caruur isla dhalatay.

Aadan Caddoow Isaaq ayaa tilmaamay in dhawr mar ay gudbiyeen codsi ku aaddan in main action ay ka hortagto qatarta miinooyinka ku aasan Degmada Bardaale oo uu sheegay inay ku jiraan miinooyin badan balse madaxda hay’addu aysan ka jawaabin baaqa ay u direen.

Waxaa uu ku celieyey baaq ku aaddan in madaxda hay’adda mina baarista ee main action ay si deg deg ah howlo miino baaris ah uga sameeyaan guud ahaan Degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Magaalooyinka ay ka mid tahay Degmada Bardaale ayaa waxaa ku aasan miinooyin la dhiga xilligii dhucitaanka dowladdii dhexe ee Soomaaliya,waxaana miinooyinkaasi uu qasaare kasoo gaaraa caruurta ku nool magaalooyinkaa kadib markii ay garaacid ku sameeyaan dabadeedna ay qarax sameyso Bamb-ka ay caruurtu garaaceen dhimasho iyo dhaawacyo halis ahna ay ku noqdaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here