Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya La Xisaabtamaysa Hay’adihii Gacanta Ku Hayey Maamulka Hawada Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay kula xisaabtamayso hay’adihii iyo wadamadii muddada burburka maamulayey hawada Soomaaliya,sidoo kale dowladdu waxaa ay hadda qorsheyneysaa in ay lasoo wareegto Maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya C/waaxid Sheekh Cumar oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay Maamulka hawda Soomaaliya si KMG ah loogu wareejiyey hay’ado ajaanib ah si aysan u xirmin una joogsan howlaha hawada Soomaaliya arintaanna ay wax ka ogeyd QM,hadda oo dalku uu ku socdo wadadii dowladnimada ayuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay lasoo wareegto Maamulka hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo dalka Kenya loona soo wareejiyo magalada caasimadda ah ee Muqdisho si Soomaaliya ay adduunka ula mid noqoto.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay agaasimuhu inay bilaabayso la xisaabtan iyo su’aalo weydiin ay wajahayaan hy’adihii gacanta ku hayey Maamulka hawada Soomaaliya oo wax laga weydiinayo waxyaabaha ay qabteen taba-barada ay siiyeen shaqaalaha soomaalida,waxa loo waayey qalab casri ah iyo waxa keenay in wadama caalamka ka tirsan ay dacwad wax qabad la’aan ah ay kasoo gudbiyaan hay’adda Maamulka hawada gacanta ku haysa iyo su’aalo kale.

Hadalkan aya yimid kadib markii shalay Madaxweynaha Soomaaliya iyo agaasimaha duulista iyo Saadaasha hawada soomaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayey sidii Maamulka hawada Soomaaliya loogusoo wareejin lahaa Magaalada Muqdisho.

Waxaana dhawr mar Dowladda Soomaaliya isku dayday in Maamulka hawada la keeno Muqdisho waloow aysan arintaa ku guuleysan,waxaana hadda Dowladda Soomaaliya soo gaaray dalabyo kaga imaanayo wadamada caalamka iyo hay’ado ka codsanaya in Maamulka hawada soomaaliya loo dhiibo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here