Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose Amiin Maxamed Cusmaan ayaa u sheegay Idaacadda Simba in ciidamada maamulka degmadsi ay bilaabeen howlgallo baaritaanno ah oo ay ku badigoobayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo xilliyada qaar weerar ka fuliya degmadaasi Afgooye.
Waxaa uu intaa ku daray Taliyuhu in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu ay hadda leeyihiin wada shaqeyn ku aaddan sidii ay isaga kaashan lahayeen dagaalka ay kula jiraan xarakada al-shabaab.
Deegaanada ku yaalla duleedka degmad Afgooye ayuu sheegay taliye Amiin in ay yihiin goobaha shabaabku ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan Afgooye dhawanna ay qorsheynayaan sidii ay halkaa u weerari lahayeen.
Shacabka ku nool degmada Afgooye ku dhaqan ayuu ka dalbaday inay maamulka ku gacan siiyaan la dagallanka Al-shabaab islmrkaana ay soo sheegaan waxyabaha amni darda ah ee mararka qaar ka dhaca Afgooye.
Degmada Afgooye Dhawr mar waxaa ka dhacay weerarro ay masuuliyadooda sheegatay Al-shabaab kuwaasi oo geystay qasare kala duwan,lamana oga waxa hadalka taliyaha saldhigga degmada Afgooye uu ka baddalidoono weeraradii ka dhicijiray degmada Afgooye.

