Wasiirka Arrimaha Dibada oo Muqdisho Soo Gaaray, Xili uusan Saameyn Ku Laheyn Caleema-saarka Madaxweynaha

0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimahada Dibada iyo Dhiirigalinta Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaliya Mudane C/salaam hadliye Cumar ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho xili Wasiirka 9-kii bilood aynu soo dhaafnay uu ku shaqeynayay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Wasiir Hadliye ayaan saameyn badan aan ku laheyn doorashadii Madaxweynaha Soomaliya ee Muqdisho ka dhacday 8-dii bishaan February, taasi badalkeeda ayuu kulamo kaga qeyb galay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Wasiirka arrimahada Dibada iyo Dhiirigalinta Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaliya Mudane C/salaam hadliye Cumar imaanshihiisa Magaalada Muqdisho iyo waxaa isku beegmay xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku leedahay xaflada caleema saarka ayaa ah mid aad u hooseysa, marka loo eego qaabka Wasaaraddu u shaqeyneysay bilihii u dambeysay, iyadoo Xoghayihii joogtada Wasaaradaasi oo waajibaadkii iyo shaqooyinkii uu lahaa la wareegay Wasiir kuxigeenka oo u shaqeeya hab Xoghaye iyo Agaasime, halka Wasiirkii Wasaaraddaasi uu saldhigtay Magaalada Nairobi, muddo ku dhowaad 9 bilood aan ka howlgalin Xafiiskiisa ku dhex yaala dhismaha qurxoon ee Wasaaraddaasi.

Sidoo kale Safiirka Soomaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa Soo baneeyay shaqadiisa Safiirnimo isagoo kamid noqday Howlwadeenada Madaxtooyada Soomaliya, wuxuu haatan ku mashquulsan yahay diyaarinta Xafladda Caleema-saarka.

Howsha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ayaa ah hab maamuuska iyo diyaarinta xaflada caleema saarka Madaxweynaha Soomaliya, islamarkaana martiqaadna u dirto Madaxda caalamka, si ay uga soo qeyb galaan Xaflada caleema saarka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here