Maamulka Al-shabaab ayaa Degmada jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa Bandhigay Ciidamo ka duwan kuwii horey ay usoo bandhigi jireen.
Ciidamada lasoo Bandhigay ayaa lagu magacaa Xisbiyadda waxay shaqadooda tahay sidii dadka ugu wacyi galin lahaayeen xumaanta, islamarkaan ay fari lahaayeen wanaaga.
Tiro ahaan askarta lasoo bandhigay ayaa kor u dhaafaya 120-askari waxay wateen dhar ka duwan kuwii horey loogu bartay Shabaabka lasoo bandhigay, dadweyne weyn aad u fara badan ayaa kasoo qeyb galay munasaabadda Soo bandhigida.









