War Deg Deg:-Ciidamada Puntland oo Qabtay Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa

0

Ciidamada Amaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa galabta degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ku qabtay gaari siday waxlaha qarxa kuwaas oo ka Hooseeyey Xoolo uu waday gadiidkaasi.

Gaarigan oo noocusuu ahaa Waaraad oo dhanka Safaradda loo adeegsado ayaa mulkiilaha iska leh wuxuu kasoo jeedaa gobolka Bari waxaana uu siday Qaraxyo Bam oo Cadadkoodu uu gaarayo in kabadan 36 walxaha Qarxaha ah.

Ciidamada la dagaalanka Argagaxisada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaarigan shalay waxaana ay ku qabtay Deegaanka Faraxan oo dhawaan ay kusoo xaroodeen qaar kamid ah dadkii xooluhu ay dhafeen, milkiilihii waday iyo shaqaalihii saarnaa gaariga ayaa lagu xiray Saldhiga degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Dhawaan Ciidamada Puntland ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaa qarxa iyo ragii la socday waxa ay ku qabteen degmada Gaalkacyo ee isla gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here