Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya xukunkeeda la wareegi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto.
Haddaba Warar goor dhaw soo gaaray xafiiska Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo waqtiga rasmiga ee la caleemo saari doono Farmaajo.
Xafladaan oo loo qorsheeyey inay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala imaanayo wadamada ay Soomaaliya xiriirka la leedahay ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo taariikhda markay tahay 22 February oo ku aadan maalin Arbaco ah .


