Saraakiil ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed+Dhageyso

0

Labo Saraakiil oo ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab islamarkaana watay hub kala duwan ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Saraakiishaan waxaa Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Sooomaliya ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya ahna wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Maamulka Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey).

Saraakiishaan oo warbaahinta la hadlay kadib markii baaritaano lagu sameeyay ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana ay ka caawin doonaan sidii loosoo afjari lahaa dagaalka Al-shabaab.

Dhanka kale wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Maamulka Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey) ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan saraakiisha kasoo baxaya shabaab islamarkaana isku soo dhiibaya Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya, waxa uuna sheegay in saraakiil kale ay sugayaan.

[/audio

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here