Puntland oo Ka Hadashay Heshiiska Maamulada Khaatumo iyo Somali-land+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ka hadlay heshiiska ay wada-galeen Xukuumadda Soomali-land iyo Maamulka Khaatumo State, kuwaasi oo ku heshiiyay in hal meel ugu soo wada jeestaan Maamulka Puntland.

Eng Camey ayaa sheegay in raadinta dhulka ka maqan Puntland aysan u oolayn dowladda oo kaliya haseyeeshee ay tahay waajibaad u yaal dhammaan umadda reer Puntland,waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Cali Khaliif ee ahaa in Soomaaliland iyo Khaatumo ay Puntland u midoobayaan uu yahay mid layska yiri, islamarkaana aysan wax dan ahi wadin shacabka Khaatumo.

Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in shacabka iyo Maamulka Puntland uu diyaar u yahay talaabo kasto ooo lagu soo celinaayo dhanka ka maqan, oo haatan ay gacanta ku hayaan Maamulada Khaatumo State iyo Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here