Dhageyso:-Sheekh Abuukar:-“Xuska Maalinta Jacaylka Adduunka Waa Ku Khalad Diinta Islaamka”.

0

Dalka Soomaaliya waxaa uu safka hore kaga jiraa dalalka Islaamka ee bulshadiisu tahay Muslimiinta,waxaa jira waxyaabo dhaqamo shisheeya ah oo muddooyinkaan kusoo kordhayey dalka Soomaaliya.

Tusaale xusaska iyo u dabaal-dagidda maalmo dad aan islaam ahayn ay maamuusaan,kuwaasi oo dhaqan ahaan iyo diin ahaan kasoo horjeeda diinta suubban ee Islaamka laganasoo min-guuriyey waddamo iyo bulsho aan islaam ahayn sida waxa loogu yeero Maalinta Jacaylka Adduunka oo Maantoo kale loo dabaal-dago.

Munaasabadahaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kusoo badanayaan gudaha dalka Soomaaliya waxaana dhallinyarada Soomaaliyeed ay fududeystaan dhibaata diineed ee arintan ka dhallankarta,iyagoo kuu sheegaya in waxa ay sameynayaan ay cadi yihiin ayna ka toobad-keenayaan.
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka digaya Saameynta aan wanaagsaneyn ee arimaha la xariira xuska maalmaha munaasabad beenaadka ah ay ku keenikaraan dadka muslimiinta ah,waxaana culumadu ay sheegeen ina dhaqanka uu yahay dhaqan mid gabi ahaamba khilaafsan diinta islaamka.

Sheekh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo Idaacadda Simba ay arintaan wax ka weydiisay ayaa sheegay in dhaqanka nuucaan oo kale ah uu yahay mid aan sal iyo raad ku lahayn diinta ayna muujineyso in uu daciifay imaanka dadka muslimiinta ah

Waxaa uu sheekhu u sheegay isagoo sii hadlaya dhallinyarada falalkan ku kaca in ujeedka arinta ay sameynayaan ka dambeysa ay tahay in gumeysi maskaxeed lagu sameeyo,waxaana uu inta ku daray in loo baahanyahay in dadka Gaalada ahi ay ku daydaan dadka islaamka ah islamarkaan aan loo baahneyn in iyaga lagu daydo,

Sheekh Abuukar Xasan Maalin ayaan weydiiyey sida arintan diiniyan khaladka ah bulshada looga wacyi-galinkaro waxa uuna sheegay in culumada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu iska kaashadaan

Ugu dambeyntii Sheekh Abuukar Xasan Maalin ayaa ku talaiyey in bulshada laga wacyi-galiyo arintan iyadoo loo marayo baraha Xiriirka bulshada,Goobaha waxbarashada iyo masaajidada,waxaana uu baaq cod dheer ah uu u diray waalidiinta dhalay dhallinyarada arintan u bareeraya,Ganacsatada goobahooda lagu qabanayo munaasabadda iyo guud ahaan umadda soomaaliyeedba ina arintaa laga dhiidhiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here