Shil Geystay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Degmada Balcad

0

Inta la xaqiijiyay 3-ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween ayaa ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii Gaari nuuca NOHA-da ah oo ay la socdeen 5 qof ku qalibmay wado ku taalla deegaanka Qalimoow, oo 3KM u jiro magaalada Balcad, sida dadka deegaanka GO u sheegeen.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle oo goobta tagay ayaa sheegay in gaariga rogmaday uu kasoo baxay degmada Balcad islamarkaana uu kusii jeeday degmada Mahadaay ee isla Gobolkas.

Darawalka Gaariga ayaa kamid ah saddexda qof ee ku dhimatay Shilkaas, oo loo aaneeyay wadada oo burbursan iyo Babauurka oo xawaare sare ku socday, dadkii ku dhaawacmay shilkaas ayaa la geeyay isbitaalka degmada Balcad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here