Madaxweyne Gaas:-Doorashada Madaxweyne Farmaajo Wanaag ayay u Tahay Puntland+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya Siyaasadda dalka Soomaliya.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyntii ka hadlay safarkii uu dhawaan ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyo kulamadii uu la qaatay Madax kala duwan oo Soomali iyo ajaabib iskugu jirta.

Wuxuu xusay in socdaalkiisa Muqdisho la xiriiray doorashada Somaliya, taasoo uu tilmaamay inay waajib ahayd ka qayb galka Puntland isbadalkii ka dhacay dalka.

“Dabcan Puntland oo kamid ah xubnaha ugu muhiimsan dowladda Federaalka Somalia, waajib bay ahayd inay tagaan ka qayb galaan, kor joogtayno isbadalkaas oo saamayn weyn runtii ku yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha ayaa xusay in ka Puntland ahaan ay ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeeyaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana rajaynajaayn inuu dhakhso ku yimaado deegaanada Puntland.

“Hadaan Puntland nahay, waxaana ballan qaadnay oo madaxweynaha cusub ka ballanqaadnay inaan si dhow ula shaqaynayno, wixii talo iyo tusaale ah oo aan ku biirin karno ku biirino, kuna soo dhawayno waqtiga ugu dhow inuu ku yimaado Puntland,” Sidaas waxaa sheegay mudane Gaas.

Dhinaca kale wuxuu shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee maamulkaasi General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde) oo Arbacadii lasoo dhaafay ku dhintay dalka Imaaraadka, wuxuuna sheegay inay aas qaran maalinta Talaadada ugu samayn doonaan magaalada Bosaaso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here