Akhriso:-Qodobo ay Ku Hshiiyeen Somali-land iyo Khaatumo State, Wada-hadalda Jabuuti

0

Magaalada Djaabuti ee Caasimada dalka Jabuuti waxaa ka furmay qeybtii Labaad ee wada-hadalada Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State kaasi oo lagu xalinaayo dhibaatooyinka ay kala tabanayaan Labada maamul.

Waxaana wada hadalkan oo ay isku hor fadhiyeen lix xubnood oo ka kala socda maamulada khaatumo iyo Somali-land.
Shan qodob ayaa ka soo baxay shirkaasi .

Hoos Ka akhriso Qodobada.

1 – waxaanu dib u eegis ku samaynana heshiiskii 11 ka qodob ka koobna ee adis ababa 21 /12 2016 wixii ka hirgalay iyo waxaan ka hir galin.
2-in taakulaynta abaaraha somaliland iyo khaatumo iska kaashadan kana wada shaqeeyan.
3-waxaanu ugu baaqayna hay addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba in si deg deg ah deegaanadaas uga hawlgalaan abaaraha iyo horumar la aanta ka jirta aawadeed.
4- in shirka gudiyadda wadahadalka khaatumo iyo somliland lagu qabto jabuuti 20 /3 /2017.
5- waxaanu siwada jir ah u cambaareynana falka nabadgalyo xumada ah iyo khal khal galinta ahaa ee puntland ka fuliyeen madaarka buuhoodle 5 bisha 2 /2017 waxaanu usoo jeedinayna in ay ka waantoodo falka foosha xun iyo wixii farogalin ah.

Dhanka Maamulka Khaatumo State waxaa heshiiska u saxiixay wasiir kayse , halka Somali-land u saxiixay maxamed xaaji aadan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here