Weerar Lagu Dilay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada Puntland oo Boosaaso Ka Dhacay

0

Inta la xaqiijiyay 2-ruux oo shacab ahaa iyo labo askari oo ka tirsana Ciidamada maamulka puntland ayaa dhintay kadib markii weerar qorshaysan lagu qaaday bar Kantarool oo ku taala dhinaca koonfureed ee Magaalada Boosaaso.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen waxaan u suurta gashay in ay saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta qaaday bar Kantarool oo ku taala dhinaca koonfureed ee Magaalada Boosaaso, inkastoo markii dambe ay isaga baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay In weerarka uu dhacay Habeenkii xalay ahaa,islamarkaana ay dableydii fulisay ay goobta isaga baxsadeen kadib markii goobta ay gaareen askar ka tirsan Puntland.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dilal iyo weerar qorshaysan ka fulinayay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here