Xildhibaan Doorashadii uu Kusoo Baxay La Diiday oo Maanta Muqdisho Lagu Dooranayo

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dooranayaa kursiga 2-aad ee xildhibaanimo ee jilibka Habarceeno/Murudsade, ka dib markii Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka , ay bishii hore amreen in dib loogu noqdo doorashadaasi, oo Magaalada Cadaado lagu doortay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa sheegay bishii November in si musuq-maasuq uu kusoo baxay C/qaadir Gaafow Maxamuud, oo la dhashay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Kursiga la go’aamiyay In dib loogu laabto waxaa xiligaas ku tartamayay musharaxiinta kala ah C/qaadir Gaafow Maxamuud, C/qaadir Xasan Warsame, C/qaadir Nuur Caraale, Sakariye Maxamuud  Cosoble iyo Maxamed Maxamuud Guure oo dalka dibadiisa ku maqan.

Musharaxiintan, ayaa Talaadadii waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, iyagoona ka wada hadlay sidii doorashada lagu qaban lahaa. Intii uu kulanku socday waxaa is casilay Sakariye Maxamuud Cosoble.

Musharixiinta la tarmayay C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa todobaadkaan sheegay in Ergada doorashada ay dhamaan wada qorteen Walaalka Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed taasi oo ah mid musuq-maasuq ah.

Waxaa lagu heshiiyay in Guddiga Doorashooyinka ay la kulmaan odoyaasha dhaqanka si ay kala hadlaan doorashada kursiga 2-aad ee xildhibaanimo ee jilibka Habarceeno/Murudsade ee deeganada maamulka Galmudug.

Balse Guddiga Doorashooyinka oo aan la kulmin Odayaasha Dhaqanka, ayaa waxay musharaxiinta ku wargeliyeen in doorashada kursiga Habarceeno, ay Khamiista maanta ihi ka qabsoomi doonto Magaalada Muqdisho, lagana doonayo in ay ka soo qaybgalaan.

Dhanka kale Xubnaha la tartamayay C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in Ergada wax dooranaysa ay yihiin kuwa ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida iyo ergo horey usoo doortay Mustaf dhuxulow,waxayna sheegeen In goobta doorashada aan la tagi Karin sababo la xiriira Ciidamada ka tirsan Nabad Sugida oo goobta buux dhaafiyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here