Musharixiinta oo Dalbaday in Xilka Laga Qaado Taliyaha Ciidamada Booliska +Dhageyso

0

Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo xalay kulan la qaatay Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka dalbaday in xilka laga qaado Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Gudoomiyaha Amniga Doorashooyinka dalka.

Musharixiinta ayaa ku eedeeyay Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud In uu taageero u muujiyay musharax Xasan Shiikh maxamuud oo haatan ah sii haya xilka Madaxweynaha Soomaliya, islamarkaana aysan ku aami karo amnigooda doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa ku eedeeyay Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud in uu hadal kala faquuq ah ka jeediyay sanad guuradii Ciidamada Booliska Soomaliyed oo dhawaan dhacday taasi oo aheyd in Xasan Shiikh ka Tashto cododka qaar kamid ah Xubnaha Golaha Shacabka baarlamanka Soomaliya  iyo aqalka Sare oo horey ugu soo mid noqday Booliska Soomaliyeed.

Balse Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale beyle ayaa arintaas ku gacan seeray waxa uuna sheegay in taasi shaqadooda aysan aheyn.

Halkaan Hoose waxaad ka dhageysataaa Hadalkii lagu dhaliilay Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud  

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here