Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Somaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay in lo’ aad u fara badan laga soo celiyo dalka sacuudiga ee qaarada Asida islamarkaana baahi awgeed ay keentay in ay is cunaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay qalad ay sameysay haweenay u dhalatay dalka Masar ay sabab u aheyd in dib loo soo celiyo tiro badan oo lo’ ah oo soomaliya laga dhoofiyay muddo ka hor, islamarkaana lagu xareeyo goob ka ak dhow dekadda Magaalada muqdisho baahi awgeedna ay isku cunaan.
Haweenayda ayuu sheegay wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Somaliya Saciid Xuseen Ciid in ay iibsatay lo’dii Sacuudiga uu ka soo celiyay dalkiisa, waxaana sababta ay aheyd inaysan marin nidaam sax ah oo ku aadan xoolaha marka dalka laga dhoofinaayo.
“Xoolahaasi markii ugu horeysay waxaa gadatay Haweenay Masaari ah, waxa ay u dhoofisay dalka Sacuudiga waa lagu soo celiyay, qaab qaldan ayeey u martay qalad ay iyada gashay awgeed ayaana loo soo celiyay xoolahaasi”, ayuu yiri Wasiirka Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Somaliya.

