Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa twitterka ayaa sheegay in 24-ta musharax ee isku diiwaan galiyay doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya badankooda aysan laheyn rajo ku aadan helida Kursiga dalka loogu arimiyo.
“24 nin ayaa buuxiyey shuruudaha musharraxnimada madaxweynaha Soomaaliya. Badankood rajo ma lahan balse tartanka waa loo baahan yahay”ayuu Wasiir C/raxmaan Ceynte kusoo qoray bartiisa twitterka.
Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in dalka Soomaliya uu ka duwan yahay sidii sanado ka hor xilka Madaxweynaha Soomaliya loogu tartami jiray, waxa uu qiray in qaar kamid ah shaqsiyaadka isa soo sharxay aysan haysan Fursado saas u weyn ay xilka ku hantin karaan.
Shalay Xarunta Guddiga qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya waxaa lagu soo gaba-gabeeyay diiwaan galinta musharixiinta xilka Madaxweynaha, waxaa isdiiwaan galiyay 24-musharax oo isugu jira Madax dalka xilal ka haysa, siyaasiyiin siyaasadda ku gaamuray, shaqsiyaad ku cusub siyaasadda dalka.

