Waxgaradka Soomali-land oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Lagu Mamnuucay Passaporka Somaliya+Dhageyso

0
?

Waxgaradka kasoo Jeeda Gobalada Waqooyi Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya ayaa Soo dhaweeyey go’aankii Maamulka Soomaali-land uu ku mamnuucay Baasa-boorka Soomaaliya lagu Sameyn jiray Deegaanada Maamulkaasi.

Afhayeen Odayasha Gobalada Waqooyi ee ku Sugan Magaalada Muqdisho Maxamed Jaamac Cumar oo u waramay Idaacada Simba ayaa tilaabo aan sharci daro aheyn ku tilmaamay go’aanka Soomaali-land ay ku jeedisay Baasa-Boorka Dalka ee laga Sameyn jiray Gobalada Waqooyi.

Afhayeenka Odayasha Gobalada Waqooyi ayaa Sheegay Maamulka Soomaaliland uu xaq u leeyahay in joojiyo Baas-boorka Soomaaliya Maadaama uu San jirin wax xal ah oo laga gaaray Arimahii Sababay Gooni isku taaga Soomaaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here