Al-shabaab oo Sheegay in Degmada Badhaadhe ay Kula Dagaalameen Ciidamo Cadaan

0

Waxaaa Saakay degan Xaaladda Degmadda Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada Jubba-land, kuwa Kenya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo muddo ku sugnaa degmadaas.

Dagaal qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa uu suurta gashay Ciidamada Huwanta ahaa in ay la wareegaan Degmadda Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaa sidoo kale dagaalka ka qeyb qaatay diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Al-shabaab oo ku adkeystay in ay sii joogan degmada ayaa markii dambe isaga baxay waxaa Ciidamada kala duwan ay gabi ahaanba la wareegeen gacanta ku heynta degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Balse galinkii dambe ee shalay Ciidamada Jubba-land, iyo kuwa Kenya ayaa isaga baxay degmada waxaa dib ula wareegay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo markii hore ku sugnaaa meel aan sidaas ugu fogeyn degmada.

Ciidamadaan, ayaa ka hor intii aanay xuduuda gaarin waxaa uu dagaal ku qabsaday inta u dhaxeyso Badhaadhe iyo Kulbiyow. Dagaalkan wuxuu ka dambeeyay markii dagaal-yahanada Al Shabaab ay wadada u galeen ciidamadaasi.

Al-shabaab oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in ay degmada kula dagaalameen Ciidamo mareykanka ayna ka difaaceen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here