Wadamada Caalamka oo Lagu Dhaliilay In ay Ka Gaabiyeen Qalabaynta CXD+Dhageyso

0

Wasiirkii Hore wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo u waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa  Wadamada Caalamka ee Soomaaliya ka Taageera Dhinaca Ciidamada Ku Dhaliilay inay ka gaabiyeen qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka Hor inta aan la gaarin Waqtiga Ciidamada AMISOM ay iskaga baxayaan Soomaaliya.

Mudane Fiqi ayaa Sheegay inaysan Wali Muuqan qorshihii loo mari lahaa dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya kuwaas oo horseedi kara in Dalka uu ugu Maarmi karo Ciidamada Shisheeye ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ururuka  Midowga Africa (AU) ayaa Horey u Shaaciyey in ay soo Af-jari doonaan Howlgalka Magaciisa loo soo gaabiyo AMISOM ee Nabad ilaalinta Soomaaliya qorshahaasi oo bilaaban doonaa Sanadka 2018-ka aya soo Afjari doonaan Joogitaan Soomaaliya Marka Lagaaro Sanadka 2020-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here