Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha,
Kulanka ayaa waxaa loga hadlay arimo quseeyo Abaaraha ka jiro wadanka soomaaliya iyo sida gacan wadamada Carabta ay u siin lahaayeen soomaaliya.
Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.





