Dhageyso:- Wasiiro Ka tirsan Maamulka Jubaland oo Si qasab ah Lagaga Musaafuriyay Magaalada Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Wasiiro ka tirsan Maamulka jubaland in si qasab ah lagaga saaray magaalada kismaayo.

Wasiirada Magaalada laga saaray waxaa kamid ah wasiirka Beeraha maamulka Jubaland waxana la sheegay in arintaan uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha ku xareysan Xero ku taala Duleedka Kismaayo ayaa u sheegay Idaacadda Simba in Axmed madoobe uu si qasab ah uu ugu amray qaar kamid ah wasiirada jubaland in ay isaga baxaan magaalada kismaayo islamarkaana haatan wasiirada la ceyriyay ay joogaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirada magaalada ka maqan kismaayo ayaa la sheegay in siyaasad ahan ay isfahmi waayeen madaxweynaha maamulka jubaland.

Axmed madoobe ayaa lagu eedeyay had iyo jeer in awooda maamulka gacanta uu ku wada hayo islamarkaana uu doonayo in dhaq dhaqaaqa madaxda jubaland uu  la socdo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here