Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dib xuriyadiisa uu u helay islamarkaana laga siidayay xabsiga degmada buulo-barde ku yaala wariye Wariye Amiin C/casiis Sheekh Cali oo xalay gurigiisa ay kala baxeen ciidamada dowladda Federalka.
Agaasimaha Idaacada Radio Hiiraanweyn ee Degmada Buulo burde Maxamed Cismaan Makaraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wariye Amiin C/casiis Sheekh Cali loo geystay jirdil aad u wey islamarkaana wax dambi ah lagu waayay.
Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeyay xariga wariye Amiin C/casiis Sheekh Cali oo maanta dib xaruyadiisa u helay, maamulka Radio Hiiraanweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa si kulul u cambaareeyay falkaan lagula kacay wariyaha.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka degmada buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

