Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo La Doortay

0

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo kamid ah xubnha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa goordhaweyd loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddiga oo ka kooban 15-xubnood oo shalay lagu doortay kalfadhigii 1aad kulankiisa 3-aad ee shalay ka dhacay muqdisho ayaa  haatan kulan ku leh Magaalada Muqdisho, waxayna ka arinsanayaan xiliga la qabanaayo doorashadda Guddoonka Gollaha Shacabka.

Dhawaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare ayaa isku raacay in Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Guddoonka Golaha shacabka iyo aqalka Sare in laga qaado lacag dhan  15-kun oo dollar, halka mushariixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaliya laga qaado lacag dhan 30-Kun oo Dollar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here