War Deg Deg: Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Ku-xigeenkiisa oo Lagu Dhawaaqay

0

Guddiga Qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xiliga ay dhacayso doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya iyo ku-xigeenkiisa.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo loo doortay Gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa sheegay In doorashada gudoomiyaha baarlamanka Sooomaliya iyo ku-xigeenkiisa ay dhici doonto 11-ka iyo 12-ka bishaan Junuary.

Guddiga waxa uu kaloo sheegay in in araajida qabashada ay xiligaan bilaabatay islamarkaana ay soo dhaweynayaan Mushariixinta u taagan xilka gudoomiyaha baarlamanka Sooomaliya iyo ku-xigeenkiisa.

Wasiiru Dowladaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya C/rashiid Xidig  iyo gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo xubno kale  ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya.

warsaxaafadeed-1-745x1024

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here