Banaanbaxyo ay dhigayeen Ganacsatada ka shaqaysata Magaladda Bosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu maanta ka dhacay gudaha Magaaladaas.
Dibadbaxa iyo shaqa Joojinta Maanta Magaalada Boosaaso ay ka sameeyeen Ganacsatada Magaaladaas ayaa sida ay sheegayaan warar ay helayso Idaacadda Simba waxa ay ka dambeeyeen Ka dib markii masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ay ku amreen ganacsatada inay bixiyaan lacag canshuur ah oo qiimaheedu ka badanyahay 400 oo dollarka Mareykanka ah.
Waxaana gabi ahaanba xiran goobihii ganacsiga ee Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari taasi oo ganacsatadu sheegeen inaysan bixinkarin lacagta la dul dhigay.
Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta Dowladda hoose ee Boosaaso ayaa ganacsatada saaka markii ay fureen goobahooda Ganacsi waxaa ay u geeyeen warqadda ay ku qorantahay lacagta laga rabo ganacsatada ku ganacsatda Magaalada boosaaso.
Maamulka Degmadda Bosaso Ee Puntland wali kama hadlin arintani ku saabsan banaanbaxa ka dhacay maanta walina ka socda xaafadaha Magaaladda Boosaaso oo ay dhigayaan Ganacsatada Magaaladda.

