Mareykanka oo Sheegtay in uu Teegeero Siinayo Ciidamada Uganda ee Howlgalka u jooga Soomaaliya

0

Dowlada Mareykanka  gaar ahaan waaxda Gobalka ayaa gudoonsiisay Militiriga  ciidamada Uganda ee soomaliya kusugan  qalab kala-duwan oo ay ku taageereyso Ciidamadadaasi kuwaa oo  qeyb ka ah howl-galka  midowga Africa ee AMISOM.

Qalabkan ayaa waxa ay kala yihiin  gawaarida Cagaf-cagafta ah, mootooyinka dhulka xaaqa, gawaarida xamuulka, qalabka  dayactirkooda  iyo  waliba qalabyo kala duwan oo loogu talagay dhismaha wadooyinka in deb u hagaajin loogu sameeyo si wadooyinka raafka ah ee dalka gaar ahaan gobalada soomaaliya oo la sheegay in gacan lixaad leh ka’geesanayaan Ciidamada shisheeye ee  Amisom Iyada  oo horay maamulka AMISOM  uu u  balanqaaday wadooyinka deegaanada Hirshabelle in ay dayactiri doonaan.

James Watters oo ah isku xiraha dowlada mareykanka iyo ururka midowga Africa ee AMISOM  ayaa sheegay in qalabkan uu kacaawinayo xitaa in ay kaadkaan dagaalyahanada al shabaab isaga oo xusay in marwalba dowlada mareykanka taageero la garab taagantahay dowlada Soomaaliya si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro Xarakada Al shabaab.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee howlgalka  AMISOM Brig Sam Okinding ayaa gudoomay qalabkan kala duwan isaga oo matalaya Ciidamada Uganda iyada oo xaflada wareejinta lagu qabtay xerada xalane ee magaalada Mogadishu.

Isaga oo sheegay in qalAbka la gudoonsiiyay uu u saamixi doono “Howlgal guuleysta” kaa oo lagu fulin kara kaabayaasha mashruucyo kala duwan si sare loogu qaado Nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka.

Taliyaha Ciidamada Amisom ee u qaabilsan howlgalada ayaa intaa ku daray in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya  si loo helo rakaab nabad qaba iyo in ay fududaato dhaq-dhaqaaqa hay’adaha gargaarka Bini’aadan qaabkii ay halkaasi ku gaari la’haayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here