Qaar kamid ah bulshada reer muqdisho waaxda Nadaafada Dowlada Hoose Xamar iyo Shirkada Nadaafada ECCO ayaa waxey manta isku soo bax nadaafaded ka sameeyen Wadada Wadnaha Ex Wadada Umada ee Magaalada Muqdisho olalahaasi Nadaafaed ayaa waxaa lagu cirib tiraaye qashin wasaqda iyo Carada isugu timid wadada Wadnaha oo uu dhawaan Maamulka Gobalka Banaadir ku sameeyay dib udhis.
Olalahan Nadaafaded ee laga sameeyay Wadada Wadnaha ayaa ka qeyb qaatay qaar kamid ah maamulada Degmooyinka Ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Maamulka Gobalka Banaadir Sidoo kale waxaa Nadafada kaalin ka geestay Gadidka Nadaafada Dowlada Hoose iyo Gaadidka Shirkada ECCO.
Agaasimaha Nadaafada Dowlada Hoose ee Xamar C/caziis Goodax Bare ayaa Goobta ay nadaafada ka socotay ka sheegay in isku soo baxaani uu yahay mid lagu hormarinaayo bilicda iyo Nadaafada Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale oo warbaahinta lahadlay waxa uu sheegay in cidkaste oo ku xad gudubta nadaafada Wadooyinka Magaalada Muqdisho lagu qaadi doono Ganaax adag.




































