Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaliya

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki- moon ayaa soo dhaweeyay  dhaarinta dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka federaalka Soomaaliya isagoo shacabka iyo dowladda Soomaliya ugu hambalyeeyay guusha Taaraakhiga ah.

Xog-hayaha  ayaa ku booriyay baarlamanka cusub in ay sii wadaan dardarta ay Somalia ku socoto ayaga oo dhameystiraya hanaanka doorashooyinka oo ay doortaan afhayeenada labada aqal iyo madaxweynaha dalka,

“Waa in uu wax ka qabtaan baarlamaanka arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Ban Ki-Moon.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki- moon ayaa ugu baaqay madaxda Soomalida in lasoo dhameystiro kuraasta Golaha shacabka iyo aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya, iyadoo laga fogaanayo musuq-maasuq.

Baarlamaanka tobnaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Todobadkaan  lagu caleemo saaray xaflad iyadoo 283 xubnaha baarlamaanka (MPs) ay qaateen dhaarta xilka.

Afartan iyo hal xildhibaan ayaa kamid noqonaya Aqalka Sare, halka 242 ay noqon doonaan xubno ka mid ah Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa lagu dhaariyay Xarunta booliska ee General Kaahiye (Xarunta School Polizio) munaasabad uu guddominaayay Guddoomiyaha xilka ka dhamaaday ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here