Wadayaasha Gadiidleyda BL-ka Muqdisho ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Dhibaatooyin ay Kala Kulmaan isbaroyinka yaala magaalada muqdisho gaar ahaan isgooyska Ceymiska ee dagmada Yaaqdhid taas oo looga qaado sida ay sheegen lacago sharci dara ah
Mid ka mid ah wadayaasha gadiidka BL oo la hadlay idaaacada simba ayaa sheegay in lacagaha sharci darada ee laga qaado maanta loo raaciyay in la xayiro Gadiidka ay wateen isla markaana jirdil loo geystay qaar ka mid ay dadkii saarnaa gawaarida ay kaxeynayeen uuna sheegay asiga xitaa in gaarigiisa lagala wareegay lana dhigay meel aan sida kaga fogeen goobta Jirdilka loogu geystay asaga iyo rakaabka saarnaaa gaarigiisa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay cabasho ceynkano kala ah muujiyaan gadiidleyda magalada muqsho kuwaa oo ka cabanaya ciidamo si sharci daro ah isbarooyin u dhigtay qeybo ka mid ah gudaha dagmooyinka gobalka banaadir isla markaana looga qaado lacago sharci daro ah oo aysan ka war qabin maamulka ka arimiya caasimada somaaliya ee maqdisho.

