Maamulka gobolka banaadir ayaa digniin adag u dirayd adka ku ganacsada wadada wadnaha ee magaalada muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta kormeer ku tegay wadada wadnaha ayaa sheegay in ganacsatada ku ganacsada hareeraha laamiga in aan laga aqbali doonin in bilicda laamiga oo dhawaan la dhisay ay ay wasa qeeyaan.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dhismaha laamiga waqti badan uu kaga baxay islamarkaana maanta ay qeybiyene warqado digniin logu farayo dadka si qofkasta goobtiisa ganacsiga horteeda u nadiifiyo.
Dhinaca kale laamiga waxaa ka socday ololo nadaafadeed oo caro laga qaadayo laamiga wadnaha oo dhawaan dhimihiisa la soo gaba gabeeyay.
Maamulka gobolka banaadir ayaa gacan ka geystay dhismaha wadooyin badan oo muqdisho ku yaala balse wadooyinka la dhisay adeegi nadaafadda ee la rabey in lagu qurxiyo ma aysan helin.
Dhageyso codka Gudoomiyaha

