Taliska Nabad Sugida Jubba-land oo Sheegay in Dagaalyahano Shabaab ah in Lagu Dilay Jubbada Hoose

0

Maamulka Jubb-land ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal u dhaxeeyay dad Xoolo dhaqato ah iyo Ciidamada Maaamulkaas oo iskaashanaya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab kaasi oo  ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Yaaq Bishaaro oo qiyaastii 60-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo yimid kadib markii dadka Xoolo dhaqatada ah iyo Ciidamada jubb-land oo iskaashanaya ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab oo oo dhawanahaan dagaal kula jira dadka xoolo dhaqatada ah, oo diiday in ay bixiyaan Sakawaad.

Afhayeenka ciidamada Nabad Sugida Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Carab oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in dagaalkaasi ay guul ka gaareen dadka xoolo dhaqatada ah iyo Ciidamada Maamulka Jubba-land, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Axmed Maxamed Carab  Afhayeenka Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubba-land waxa uu sheegay in 17-ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab in lagu dilay dagaalkaas halka al-shabaab loogu gubay seddex gaari oo kuwa dagaalka ah.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay  tuulada lagu magacaabo Yaaq Bishaaro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here