Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelbuuh oo ka tirsan degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in shil gaari oo halkaas ka dhacay ay ku dhaawacmeen 10-qof halka ay ku nafwaayeen Ari aad u fara badan.
Dadka ku dhaawacmay shilka gaari ayaa la sheegay inay ahaayeen qoysas kasoo hayaamay Abaarta ka jira qeybo kamid ah Gobolada Maamulka Puntland oo doonayay inay tagaan meelaha roobka uu ka da’ay.
Dadka ku dhaawacmay shilkaas ayaa la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.





