Warbixin uu daabacay Jaraaid-ka Peace Fm ayaa lagu soo bandhigay Aqoonsiga dalalka Caalamka ama (Passport-yada) ugu awooda badan dunida iyo kuwa ugu awooda yar oo ay sahlan tahay in si fudud lagu helo.
Warbixintaan oo ay soo aruurisay Shirkadda Global Financial Advisory firm World Passport ayaa lagu sheegay in wadanka Ghana ee qaarada afrika uu qiimeyta ka galay kaalinta 61-aad Pasapor-yada ugu badan dunida oo ay adag tahay in si fudud lagu helo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar kamid ah wadamada dal ku galkooda uu awooda laheyn dadka u safraayo ay awoood u leeyihiin in bilaa aqoonsi ay tagaan islamarkaana ay kasoo laabtaan.
Qaarada afrika wadamo ku yaala ayaa la sheegay in 9-kamid ah dal ku galkooda uu yahay mid aad u adag in si fudud lagu helo, wadanka Ghana ayaa galay kaalinta 9-aad wadamada qaarada afrika dal ku galkooda uu yahay mid aad u adag in la heli si lamid ah dalalka Zambia (61-aad) iyo Tunisia (61-aad), 125-aad), Mauritius (120-aad), South Africa (90-aad), Botswana (68-aad), Lesotho (68-aaa), Malawi (67-aad), Swaziland (66-aad), Gambia (65-aad), Namibia (65-aad), Kenya (65-aad), Tanzania (62-aad) iyo Cape Verde (62-aad).
Wadamada qaarada Yurub markaan eegno wadanka Germany ayaa galay kaalinta 158-aad wadamada Passapor-yadooda ay adag tahay in la helo, Sweden (157-aad) Finland (156), France (156-aad), Switzerland (156-aad), Spain (156-aad), South Korea (156-aad) iyo United Kingdom (156aad) .
Wadamada Afghanistan (24-aad) Pakistan (27-aad), Iraq (29-aad), Somalia (31-aad), Syria (31-aad), Sudan (36-aad), Ethiopia (36-aad) and South Sudan (36-aad), ayaa la sheegay in sida Numberada ugu kala jiraan ay ukala diciifsan yihiin Passaporya-doosa islamarkaana ay aad u sahlan tahay in loo helo.

