Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka codsaday Baarlmaanka Federalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan si loosoo afjaro hanaanka doorashooyinka dalka si loo doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo ku-xigeenka gudoomiyaha Baarlmaanka iyo waliba madaxweynaha jamuuriyada Federalka Soomaaliya.
Jadwalkan ugu dambeeya ee hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa si qasab ah looga digay dib u dhac kale in ay soo wajahdo taa oo lasoo jeediyay markii hore in lasoo gabagabeeyo horaanta sanadkan 2016-ka.
Warka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay jirto baahi gooni ah oo loo qabo si dhaqsi leh in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada si madaxweynaha cusub ee dalka uu kaga qeyb qaato kulan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku yeelan doonaan magaalada Newyork ee dalka mareynka kaa oo loo qorsheeyay in uu dhaco 19 January 2017.

